Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.
Ku rakibo Aimo oo bilow baarkin
Baarkinka
1Tallaabada 1 ee 12 · AndroidHagahan, waxaan ku rakibeynaa barnaamijka Aimo, waxaan samaynaynaa akoon, waxaana bilaabaynaa baarkin.
2Tallaabada 2 ee 12 · AndroidKa bilow shaashadda hore. Taabo Play Butik.
3Tallaabada 3 ee 12 · AndroidKa raadi Aimo – parkera och ladda. Hubi magaca oo taabo ”Installera” (rakib).
4Tallaabada 4 ee 12 · AndroidFur Aimo. Taabo ”Kom igång” (bilow) haddii aadan weli haysan akoon.
5Tallaabada 5 ee 12 · AndroidDooro sida aad rabto inaad akoonka ku samaysato. Waxaad sidoo kale qori kartaa cinwaankaaga iimaylka oo aad taabataa ”Fortsätt” (sii wad).
6Tallaabada 6 ee 12 · AndroidGeli koodka hal-mar-isticmaalka ah ee laguugu soo diray iimaylkaaga, ka dibna taabo ”Verifiera kod” (xaqiiji koodka).
7Tallaabada 7 ee 12 · AndroidKu dar hab lacag-bixin. Si fiican u hubi macluumaadka ka hor inta aadan diiwaangelin kaarka.
8Tallaabada 8 ee 12 · AndroidKu dar gaariga adiga oo qoraya lambarka diiwaangelinta (registreringsnummer). Ka dib taabo ”Lägg till fordon” (ku dar gaari).
9Tallaabada 9 ee 12 · AndroidDooro aagga baarkinka ee saxda ah. Had iyo jeer isbarbar dhig koodka aagga ee ku jira barnaamijka iyo calaamadda meesha gaarigu yaallo.
10Tallaabada 10 ee 12 · AndroidDooro wakhtiga baarkinka oo hubi gaariga iyo habka lacag-bixinta. Taabo ”Parkera” (baarkin) marka wax walba ay sax yihiin.
11Tallaabada 11 ee 12 · AndroidHubi in baarkinku uu dhab ahaan u shaqaynayo. Waa in aad aragtaa wakhti hoos u dhacaya iyo wakhtiga hadhay.
12Tallaabada 12 ee 12 · AndroidMarka baarkinku dhammaado, waxaa soo baxaya risiidh muujinaya goobta, wakhtiga, gaariga iyo kharashka.