Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.
Hubi haddii aad xaq u leedahay kaalmada guriga (bostadstillägg)
Hawlgabka iyo hay'adaha dawladda
Dhammaan telefoonnada
1Tallaabada 1 ee 6Fur bogga Bostadstillägg för pensionärer oo taabo ”Beräkna bostadstillägg” (xisaabi kaalmada guriga). Uma baahnid inaad soo gasho (logga in) si aad u samayso xisaabinta.
2Tallaabada 2 ee 6Sheeg haddii aad tahay qof keligaa nool, qof guursaday ama qof la nool qof kale, ka dibna dooro nooca guriga aad ku nooshahay. Taabo ka dib ”Fortsätt” (sii wad).
3Tallaabada 3 ee 6Geli kiradaada bisha ama kharashka gurigaaga oo ka jawaab su'aalaha ku saabsan guriga. Lacagaha ku jira hagahan waa tusaale oo keliya.
4Tallaabada 4 ee 6Geli hawlgabka guud, hawlgabka shaqada iyo wixii kale ee dakhli ah ee aad leedahay ka hor inta aan lagaa jarin canshuurta. Isticmaal celcelis ahaan bishii.
5Tallaabada 5 ee 6Geli lacagta aad ku haysato xisaabaadka bangiga, maalgelinta, saamiyada iyo hantida kale. Taabo ka dib ”Beräkna” (xisaabi).
6Tallaabada 6 ee 6Hadda waxaa soo baxaya natiijo hordhac ah. Tani maaha go'aan kama dambays ah. Lacagta kama dambaysta ah waxaa la go'aaminayaa oo keliya marka Pensionsmyndigheten ay baaraan codsi dhab ah.