Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.
Soo dejiso oo bilow isticmaalka Kivra
Boostada, xirmooyinka iyo Kivra
1Tallaabada 1 ee 13 · AndroidHadda waxaan soo dejineynaa Kivra si aan u samaysano akoon. Waxaad u baahan tahay Mobilt BankID iyo lambarkaaga aqoonsiga ee Iswidhan (personnummer).
2Tallaabada 2 ee 13 · AndroidKa bilow shaashadda hore (hemskärmen) oo taabo Google Play Butik.
3Tallaabada 3 ee 13 · AndroidKa raadi Kivra oo taabo ”Installera” (rakib).
4Tallaabada 4 ee 13 · AndroidFur Kivra oo taabo ”Skapa konto” (samee akoon).
5Tallaabada 5 ee 13 · AndroidGeli lambarkaaga aqoonsiga ee 12-ka lambar ka kooban oo taabo ”Öppna BankID”.
6Tallaabada 6 ee 13 · AndroidTaabo badhanka ”identifiera dig med säkerhetskod” (isku aqoonso koodka amniga).
7Tallaabada 7 ee 13 · AndroidGeli koodkaaga amniga ee 6-da lambar ka kooban oo taabo ”identifiera” (aqoonso). Hadda Kivra ayaa dib u furmaya.
8Tallaabada 8 ee 13 · AndroidGeli ciwaankaaga iimaylka oo taabo ”Fortsätt” (sii wad).
9Tallaabada 9 ee 13 · AndroidFur iimaylka ka yimid Kivra. Nuqul ka samee ama qor koodka lixda lambar ah. Kadib geli koodkaas barnaamijka (app-ka).
10Tallaabada 10 ee 13 · AndroidGeli lambarkaaga gacanta oo taabo ”Fortsätt” (sii wad).
11Tallaabada 11 ee 13 · AndroidFur fariinta qoraalka ah (sms) ee ka timid Kivra. Kadib geli koodka barnaamijka (app-ka) oo taabo ”Fortsätt” (sii wad).
12Tallaabada 12 ee 13 · AndroidAkoonkaaga Kivra waa diyaar. Taabo ”Ok”.
13Tallaabada 13 ee 13 · AndroidKivra hadda waa diyaar in la isticmaalo. Kani waa sanduuqaaga fariimaha (inkorg). Halkan waxaa kaaga muuqan doona waraaqaha, biilasha iyo fariimaha kale ee muhiimka ah.