Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.
Sidaan u soo dejisan kartaa oo u rakibi kartaa App
Bilow isticmaalka taleefankaaga
1Tallaabada 1 ee 7 · AndroidFur Play Butik. Astaantu waa saddex-xagal leh midabo badan.
2Tallaabada 2 ee 7 · AndroidTaabo Sök (raadi) oo ku yaal xagga hoose. Kadib taabo meesha wax lagu qoro ee xagga sare, ku qor tusaale ahaan SVT Play.
3Tallaabada 3 ee 7 · AndroidHadda waxaad heshay SVT Play. Taabo Installera (rakib) oo sug inta uu app-ku soo degayo.
4Tallaabada 4 ee 7 · AndroidMarka badhanka uu muujiyo Öppna (fur) macnaheedu waa SVT Play waa la rakibay. Taabo Öppna si aad u bilowdo app-ka. Shaqo fiican ayaad qabatay! Hadda waxaad taqaanaa sida loo soo dejiyo loona rakibo app. Shaashadda xigta waxaan ku tusi doonnaa hawlo kale oo dheeraad ah si aad u hesho apps.
5Tallaabada 5 ee 7 · AndroidKuwani waa hawlo kale oo dheeraad ah oo ku jira Play Butik. Qaybta Appar (apps) waxaad dooran kartaa Topplistor (liisaska ugu sarreeya) si aad u aragto apps-ka caanka ah.
6Tallaabada 6 ee 7 · AndroidQaybta Böcker (buugaag) waxaad dooran kartaa E-böcker (buugaagta elektaroonigga ah) si aad u hesho buugaag aad ka akhrisan karto shaashadda.
7Tallaabada 7 ee 7 · AndroidQaybta Böcker (buugaag) waxaad dooran kartaa Ljudböcker (buugaagta codka ah) si aad u hesho buugaag aad dhegaysan karto.