Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.
Sida loo helo rasiidkaaga gudaha Kivra
Boostada, xirmooyinka iyo Kivra
Dhammaan telefoonnada
1Tallaabada 1 ee 5Halkan waxaan ku tusi doonaa sida aad u heli karto rasiidkaaga (warqadaha caddeynta iibka) ee ku kaydsan Kivra. Waxaad u baahan tahay inaad horey u haysato Kivra iyo akoon.
2Tallaabada 2 ee 5Riix "Logga in" (geli akoonkaaga) oo isku aqoonsii BankID. Markaad gudaha u gasho, waxaad sii wadi kartaa tallaabada xigta.
3Tallaabada 3 ee 5Markaad joogto astaanta "Hem" (guriga) ee ku taal dhinaca bidix ee hoose, riix "Kvitton" (rasiidka).
4Tallaabada 4 ee 5Halkan waxaad ku arki doontaa liiska rasiidkaaga. Hadda waxaad riixi kartaa rasiid kasta oo liiska ku jira si aad u akhrido oo aad u kaydiso.
5Tallaabada 5 ee 5Hadda waxaad taqaan meesha aad ka heli karto rasiidkaaga gudaha Kivra.