Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.
Sida u dooro oo u hel cinwaanka iimaylka
Apps-ka waxtarka leh
Dhammaan telefoonnada
1Tallaabada 1 ee 12Salaan! Halkan waxaan kuugu muujinayaa sida aad u dooran karto adeegga iimaylka iyo waxa aad u baahan tahay si aad u hesho cinwaan.
2Tallaabada 2 ee 12Iimaylku waa warqado dhijitaal ah. Waxaad tusaale ahaan ku heli kartaa xaqiijinta ballamaha oo aad ku diri kartaa sawirro.
3Tallaabada 3 ee 12Dadka kale ayaa qoraya cinwaankaaga si ay kuu soo diraan iimayl. Koontadu waa sanduuqaaga boostada oo leh furaha sirta ah (inloggning). App-ku waa hab aad ku akhrisan karto iimaylka, laakiin waxa kale oo aad ka akhrisan kartaa biraawsarka (webbläsaren).
4Tallaabada 4 ee 12Marka hore hubi haddii aad hore u lahayd cinwaan iimayl. Haddii aad illowday furaha sirta ah, inta badan waa suurtogal in aad dib u hesho koontadaada.
5Tallaabada 5 ee 12Gmail, Outlook iyo Proton Mail waa saddex adeeg oo iimayl oo caadi ah. Waxaad iimayl u diri kartaa qof kasta, iyada oo aan loo eegin midka aad doorato.
6Tallaabada 6 ee 12Dhammaan saddexdu waa bilaash. Kaliya kaydinta dheeraadka ah iyo xulashooyinka kale ayaa lacag ku kacaya.
7Tallaabada 7 ee 12Dooro cinwaan fudud oo aad xasuusan karto, waxaa fiican inuu ahaado magacaaga. Haddii uu cinwaanku mashquul yahay, waa in aad doorataa mid kale.
8Tallaabada 8 ee 12Tag bogga internetka ee adeeggaas oo dooro in aad samaysato koonto. Buuxi macluumaadka. Waxaa laga yaabaa in aad u baahato in aad ku xaqiijiso koodh.
9Tallaabada 9 ee 12Dooro fure sir ah (lösenord) oo dheer oo aadan meel kale u isticmaalin. Si ammaan ah u kaydi hana u sheegin cidna.
10Tallaabada 10 ee 12Ku dar lambarkaaga gacanta. Markaas waxaad dib u heli kartaa koontadaada haddii aad illowdo furaha sirta ah.
11Tallaabada 11 ee 12Akhriso iimaylka adiga oo isticmaalaya app-ka ama biraawsarka. Kaydi cinwaanka iyo furaha sirta ah si aad mar kale u hesho.
12Tallaabada 12 ee 12Waa diyaar! Hadda waxaad taqaanaa sida loo doorto adeegga iimaylka. Hagaha xiga waxaan ku tusi doonaa sida loo sameeyo cinwaanka Gmail.