Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.
Daabacaaddu luqaddee ha ahaato?SvenskaEnglishSuomiالعربية (Arabiska)Bosanski/Hrvatski/Srpskiفارسی (Persiska)PolskiEspañolSoomaali
Duub muuqaal
Taleefanka iyo tablet-ka
Iskaan garee si aad u dhageysato tilmaanta
1Tallaabada 1 ee 5 · iPhoneWaxaan baran doonaa sida loo duubo muuqaal. Waxaa fiican inaad gacanta ku hayso taleefanka adigoo jiifiyay (horizontal) marka aad rabto in muuqaalka lagu daawado TV.
2Tallaabada 2 ee 5 · iPhoneKa bilow shaashadda hore (hemskärmen) oo taabo Kamera.
3Tallaabada 3 ee 5 · iPhoneFarta ku dul mari qaababka kamarada ilaa aad ka doorato Video. Taabo badhanka cas si aad u bilowdo duubista.
4Tallaabada 4 ee 5 · iPhoneMarka saacaddu socoto, muuqaalku wuu duubmayaa. Taabo labajibbaaranaha cas si aad u joojiso.
5Tallaabada 5 ee 5 · iPhoneTaabo sawirka yar ka dibna taabo play (badhanka lagu bilaabo daawashada) si aad u hubiso muuqaalka.