Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.
Ku rakibo WhatsApp oo samee wicitaan muuqaal ah
La xiriirka dadka kale
1Tallaabada 1 ee 11 · AndroidFur Google Play oo ka raadi WhatsApp. Hubi in barnaamijku uu magaciisu yahay WhatsApp Messenger.
2Tallaabada 2 ee 11 · AndroidTaabo "Installera" (rakib) si aad u rakibto WhatsApp.
3Tallaabada 3 ee 11 · AndroidMarka rakibiddu dhammaato, taabo "Öppna" (fur).
4Tallaabada 4 ee 11 · AndroidAkhri macluumaadka ka dibna taabo "Godkänn och fortsätt" (ogolow oo sii wad).
5Tallaabada 5 ee 11 · AndroidDooro Sverige (Iswiidhan) oo geli lambarkaaga gacanta. Ka dib taabo "Nästa" (xiga).
6Tallaabada 6 ee 11 · AndroidGeli lambarka lixda lambar ka kooban ee aad ku heshay fariin qoraal ah (sms). Weligaa ha la wadaagin lambarkan qof kale.
7Tallaabada 7 ee 11 · AndroidHaddii aad isticmaalayso Android, taabo "Tillåt" (ogolow) si WhatsApp uu u helo xiriiradaada (kontakter).
8Tallaabada 8 ee 11 · AndroidLiiska wada-hadallada, taabo qofka aad rabto inaad wacdo. Tusaale ahaan, waxaan dooranay Anna Andersson.
9Tallaabada 9 ee 11 · AndroidTaabo astaanta yar ee muuqaalka (videosymbolen) ee ku taal dhinaca midig ee sare.
10Tallaabada 10 ee 11 · AndroidWicitaankii muuqaalka ahaa wuu bilaabmay. Taabo badhanka cas marka aad rabto inaad joojiso wicitaanka.
11Tallaabada 11 ee 11 · AndroidWicitaankii waa dhammaaday. Hadda waxaad ku soo noqotay wada-hadalkii.