Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.
Sida loo rakibo Swish
BankID iyo Swish
1Tallaabada 1 ee 6 · iPhoneSi aad u bilowdo isticmaalka Swish, waxaad u baahan tahay inaad lambarkaaga telefoonka ku xirto xisaabtaada bangiga. Waa inaad tan ku samaysaa bangigaaga internetka ama xafiiska bangigaaga.
2Tallaabada 2 ee 6 · iPhoneWaxaan ku bilaabaynaa inaan soo dejisanno barnaamijka Swish. Riix Appstore (dukaanka barnaamijyada).
3Tallaabada 3 ee 6 · iPhoneKa raadi Swish meesha wax lagu raadiyo. Markaad hesho barnaamijka, riix badhanka ”Hämta” (soo dejiso).
4Tallaabada 4 ee 6 · iPhoneSi aad u bilowdo isticmaalka Swish, waa inaad adeegga ka hawlgelisaa bangigaaga. Haddii aad dareemayso hubanti la'aan, fadlan la xiriir bangigaaga. Ka dib markaad soo dejisato barnaamijka Swish, waxaad gashaa bangigaaga internetka oo aad ku xirtaa lambarkaaga gacanta mid ka mid ah xisaabaadkaaga bangiga. Mobilt BankID ayaa loo baahan yahay si aad isu aqoonsato, markaa soo dejiso barnaamijkaas sidoo kale.
5Tallaabada 5 ee 6 · iPhoneKu bilow inaad geliso lambarkaaga telefoonka ee aad dooratay inaad ku xirto Swish. Intaas ka dib, waxa kaliya ee hadhay waa inaad isu aqoonsato adigoo isticmaalaya Mobilt BankID. Waa la hawlgeliyay oo waa diyaar.
6Tallaabada 6 ee 6 · iPhoneShaqo fiican ayaad qabatay. Hadda waxaad diyaar u tahay inaad bilowdo Swisha!