Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.
Sidaan u soo dejisan kartaa oo u rakibi kartaa App
Bilow isticmaalka taleefankaaga
1Tallaabada 1 ee 5 · iPhoneKu bilow inaad furto Appstore.
2Tallaabada 2 ee 5 · iPhoneTaabo muraayadda weyneynaysa (förstoringsglaset) ee ku taal xagga hoose ee midig.
3Tallaabada 3 ee 5 · iPhoneTaabo meesha wax lagu qoro oo ku qor SVT Play. Taabo Sök (raadi) oo ku yaal kiiboodhka. Marka SVT Play uu ka soo muuqdo natiijada, taabo Hämta (soo dejiso).
4Tallaabada 4 ee 5 · iPhoneHaddii iPhone-ku ku weydiiyo inaad laba jeer taabato, si degdeg ah u taabo laba jeer badhanka dhinaca ku yaal. Kadib eeg shaashadda haddii telefoonku isticmaalo Face ID.
5Tallaabada 5 ee 5 · iPhoneMarka app-ka la rakibo, waxaad taaban kartaa Öppna (fur) oo ku yaal App Store ama SVT Play oo ku yaal shaashadda hore. Shaqo fiican ayaad qabatay!