Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.

Soo dej, rakib oo bilow isticmaalka SVT Play
Filimada, raadiyaha iyo akhriska
1Tallaabada 1 ee 10 · iPhoneKa bilow shaashadda hore ee iPhone-kaaga. Taabo "App Store" (dukaanka barnaamijyada).
2Tallaabada 2 ee 10 · iPhoneBogga barnaamijka ayaa soo bixi doona. Hubi in barnaamijku yahay SVT Play iyo in soo-saaruhu yahay Sveriges Television AB. Taabo "Hämta" (soo dejiso).
3Tallaabada 3 ee 10 · iPhoneMarka rakibiddu dhammaato, badhanka wuxuu isu beddelayaa "Öppna" (fur). Taabo "Öppna".
4Tallaabada 4 ee 10 · iPhoneSVT Play ayaa bilaabanaya. Sug in yar.
5Tallaabada 5 ee 10 · iPhoneDooro profile, ama taabo "Titta utan att logga in" (daawo adigoon soo galin/log-garayn).
6Tallaabada 6 ee 10 · iPhoneHadda waxaad joogtaa bogga hore. Halkan waxaad kor iyo hoos u dhaqaajin kartaa shaashadda oo aad taaban kartaa barnaamijyada aad rabto inaad daawato.
7Tallaabada 7 ee 10 · iPhoneMarkaad taabato "Kategorier" (qaybaha), waxaad imanaysaa halkan oo waxaad raadin kartaa qaybaha aad rabto inaad daawato.
8Tallaabada 8 ee 10 · iPhoneTaabo astaanta muraayadda weyneeyaha si aad u raadiso barnaamij.
9Tallaabada 9 ee 10 · iPhoneKu qor magaca barnaamijka oo ka dooro barnaamijka natiijada raadinta, tusaale ahaan Rapport.
10Tallaabada 10 ee 10 · iPhoneTaabo "Kanaler" (kanaalada) haddii aad rabto inaad aragto waxa ka socda SVT1 iyo SVT2.