Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.

Soo dejiso oo bilow isticmaalka Kivra
Boostada, xirmooyinka iyo Kivra
1Tallaabada 1 ee 12 · iPhoneHadda waxaan soo dejineynaa Kivra si aan u samaysano akoon. Waxaad u baahan tahay Mobilt BankID iyo lambarkaaga aqoonsiga ee Iswidhan (personnummer).
2Tallaabada 2 ee 12 · iPhoneKa bilow shaashadda hore (hemskärmen) oo taabo App Store.
3Tallaabada 3 ee 12 · iPhoneKa raadi Kivra oo taabo ”Hämta” (soo dejiso).
4Tallaabada 4 ee 12 · iPhoneFur Kivra oo taabo ”Skapa konto” (samee akoon).
5Tallaabada 5 ee 12 · iPhoneGeli lambarkaaga aqoonsiga ee 12-ka lambar ka kooban oo taabo ”Öppna BankID”.
6Tallaabada 6 ee 12 · iPhoneGeli koodkaaga amniga ee 6-da lambar ka kooban oo taabo ”identifiera” (aqoonso). Hadda Kivra ayaa dib u furmaya.
7Tallaabada 7 ee 12 · iPhoneGeli ciwaankaaga iimaylka oo taabo ”Fortsätt” (sii wad).
8Tallaabada 8 ee 12 · iPhoneFur iimaylka ka yimid Kivra. Nuqul ka samee ama qor koodka lixda lambar ah. Kadib geli koodkaas barnaamijka (app-ka).
9Tallaabada 9 ee 12 · iPhoneGeli lambarkaaga gacanta oo taabo ”Fortsätt” (sii wad).
10Tallaabada 10 ee 12 · iPhoneFur fariinta qoraalka ah (sms) ee ka timid Kivra. Kadib geli koodka barnaamijka (app-ka) oo taabo ”Fortsätt” (sii wad).
11Tallaabada 11 ee 12 · iPhoneAkoonkaaga Kivra waa diyaar. Taabo ”Ok”.
12Tallaabada 12 ee 12 · iPhoneKivra hadda waa diyaar in la isticmaalo. Kani waa sanduuqaaga fariimaha (inkorg). Halkan waxaa kaaga muuqan doona waraaqaha, biilasha iyo fariimaha kale ee muhiimka ah.