Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.

Sida oo aad tigidh tareen ugu iibsato barnaamijka SJ-appen
Baska, tareenka iyo khariidadaha
1Tallaabada 1 ee 11 · iPhoneFur App Store oo ka raadi SJ.
2Tallaabada 2 ee 11 · iPhoneHubi in barnaamijku yahay SJ – Biljetter och trafikinfo iyo in uu ka yimid SJ AB. Kadib taabo "Hämta" (soo dejiso).
3Tallaabada 3 ee 11 · iPhoneMarka barnaamijka la rakibo, taabo "Öppna" (fur).
4Tallaabada 4 ee 11 · iPhoneMarka SJ-appen furmo, taabo sanduuqa raadinta ee ka hooseeya qoraalka Vart vill du resa? (xaggee rabtaa inaad u safarto?).
5Tallaabada 5 ee 11 · iPhoneQor Gävle Central meesha aad ka bilaabayso iyo Stockholm Central meesha aad u socoto. Hubi taariikhda, wakhtiga iyo tirada dadka safaraya. Kadib taabo "Sök resa" (raadi safar).
6Tallaabada 6 ee 11 · iPhoneEeg liiska tareenada baxaya oo dooro wakhtiga kugu habboon. Tusaalahan waxaan dooranaynaa tareenka 10:12. Taabo "Fortsätt" (sii wad).
7Tallaabada 7 ee 11 · iPhoneDooro nooca tigidhka. Tusaalahan waxaan dooranaynaa 2 klass. Hubi shuruudaha oo taabo "Fortsätt".
8Tallaabada 8 ee 11 · iPhoneHubi taariikhda, wadada, wakhtiyada, tirada dadka safaraya, fasalka iyo qiimaha. Waxaad kaloo dooran kartaa kursi ama horay u sii dalban kartaa cunto. Kadib taabo "Gå till kassan" (aad qaybta lacag bixinta).
9Tallaabada 9 ee 11 · iPhoneDooro sida aad rabto inaad u bixiso lacagta. Tusaalahan waxaa la doortay Betalkort (kaarka lacag bixinta). Hubi lacagta oo taabo "Betala" (bixi lacagta).
10Tallaabada 10 ee 11 · iPhoneHubi in qaatahu yahay SJ AB iyo in lacagtu ay sax tahay. Taabo "Godkänn betalning" (ansixi lacag bixinta).
11Tallaabada 11 ee 11 · iPhoneMarka iibsigu dhammaado, tigidhku wuxuu ku jiraa barnaamijka qaybta Biljetter (tigidhada). Sawirkani wuxuu muujinayaa tusaale tigidh oo aan ansax ahayn.