Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.

Sida loo diro sawirro WhatsApp
La xiriirka dadka kale
1Tallaabada 1 ee 11 · iPhoneFur App Store oo ka raadi WhatsApp.
2Tallaabada 2 ee 11 · iPhoneHubi in barnaamijku yahay WhatsApp Messenger oo taabo "Hämta" (soo dejiso).
3Tallaabada 3 ee 11 · iPhoneMarka rakibiddu dhammaato, taabo "Öppna" (fur).
4Tallaabada 4 ee 11 · iPhoneOggolow in barnaamijku galo xiriiradaada (kontakter) haddii aad rabto inaad ka hesho dadka buugga taleefankaaga.
5Tallaabada 5 ee 11 · iPhoneFur WhatsApp oo taabo qofka aad rabto inaad la hadasho.
6Tallaabada 6 ee 11 · iPhoneHadda wada-hadalkii (chat) waa furan yahay. Taabo meesha ay ku qoran tahay Meddelande (farriin) ee xagga hoose.
7Tallaabada 7 ee 11 · iPhoneQor farriintaada oo taabo badhanka cagaaran ee dirista.
8Tallaabada 8 ee 11 · iPhoneSi aad sawir u dirto, taabo astaanta warqad-qabsiga (gemet) ama astaanta lagu daro (plustecknet).
9Tallaabada 9 ee 11 · iPhoneTaabo "Galleri" (meesha sawirrada lagu kaydiyo) si aad sawir uga doorato taleefankaaga.
10Tallaabada 10 ee 11 · iPhoneTaabo sawirka aad rabto inaad dirto oo dooro "Nästa" (xiga).
11Tallaabada 11 ee 11 · iPhoneSawirku hadda wuxuu ka muuqdaa wada-hadalka. Calaamadaha yaryar ee jeegga ah (bockarna) waxay muujinayaan in sawirkii la diray.