Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.

Daawashada filim ku yaalla YouTube
Taleefanka iyo tablet-ka
1Tallaabada 1 ee 7 · iPhoneWaxaan baran doonnaa sida loo raadiyo loona daawado filim ku yaalla YouTube.
2Tallaabada 2 ee 7 · iPhoneKa bilow shaashadda hore (hemskärmen) oo taabo YouTube.
3Tallaabada 3 ee 7 · iPhoneTaabo muraayadda weyneeyaha (förstoringsglaset). Qor waxa aad rabto in aad daawato ka dibna taabo "Sök" (raadi).
4Tallaabada 4 ee 7 · iPhoneTaabo filimka aad rabto in aad daawato.
5Tallaabada 5 ee 7 · iPhoneTaabo bartamaha filimka si aad u aragto kontaroolada. Taabo "play" (bilow) si aad u bilowdo ama u hakiso filimka.
6Tallaabada 6 ee 7 · iPhoneTaabo astaanta qalabka (kugghjulet) oo dooro "Undertexter" (qoraalka hoose ee filimka) haddii aad rabto in aad akhrido waxa la leeyahay.
7Tallaabada 7 ee 7 · iPhoneHadda filimkii ayaa ku socda qoraal Iswidhish ah.