Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.

Dalbo daawo dhakhtar kuu qoray
Farmashiyaha
Dhammaan telefoonnada
1Tallaabada 1 ee 7Soo gal (logga in) barnaamijka Apoteket oo fur "Mina recept" (daawooyinka laguu qoray).
2Tallaabada 2 ee 7Hubi magaca dawada oo dooro warqadda dhakhtarka (recept) ee aad rabto inaad isticmaasho.
3Tallaabada 3 ee 7Hubi inta jeer ee laguu ogol yahay inaad qaadato, tirada xirmooyinka iyo qiimaha lagu qiyaasay. Kadib taabo "Lägg i varukorgen" (ku dar dambiisha wax iibsiga).
4Tallaabada 4 ee 7Hubi dawada, tirada iyo wadarta guud ee qiimaha. Kadib dooro qaabka gaarsiinta.
5Tallaabada 5 ee 7Dooro sida aad rabto inaad ku hesho dalabkaaga. Tusaalahan, waxaa laga soo qaadayaa farmashiye tusaale ah.
6Tallaabada 6 ee 7Hubi macluumaadkaaga, alaabta, gaarsiinta, lacag bixinta iyo wadarta guud ka hor inta aadan dhammaystirin dalabka.
7Tallaabada 7 ee 7Xaqiijintu waxay muujinaysaa in dalabka la helay. Ma jiro dalab dhab ah oo lagu sameeyay hage-barahan.