Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.

Dalbo shahaadada hawlgabka
Hawlgabka iyo hay'adaha dawladda
Dhammaan telefoonnada
1Tallaabada 1 ee 6Fur bogga internetka ee Pensionsmyndigheten oo taabo "Logga in" (geli ama gal bogga).
2Tallaabada 2 ee 6Dooro Mobilt BankID. Kaliya gal bogga marka aad adigu si toos ah u tagtay bogga internetka ee Pensionsmyndigheten.
3Tallaabada 3 ee 6Hubi in ay ku qoran tahay Pensionsmyndigheten gudaha BankID. Kadib taabo "Identifiera" (aqoonsi).
4Tallaabada 4 ee 6Boggaaga "Mina sidor" (boggaaga gaarka ah), u gudub "Mina tjänster" (adeegyadaada) oo taabo "Pensionärsintyg" (shahaadada hawlgabka).
5Tallaabada 5 ee 6Dooro Svenska (Af-Iswiidhish) oo taabo "Skapa pensionärsintyg" (samee shahaadada hawlgabka). Shahaadada waxaa loo samaynayaa qaab faylka PDF ah.
6Tallaabada 6 ee 6Marka shahaadadu diyaar noqoto, taabo "Hämta PDF" (soo dejiso PDF). Intaas ka dib waxaad furi kartaa, kaydin kartaa ama daabacan kartaa faylka adigoo isticmaalaya taleefankaaga.