Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.

Ku bixi lacag adigoo isticmaalaya QR-koodka Swish
BankID iyo Swish
Dhammaan telefoonnada
1Tallaabada 1 ee 4Adigoo isticmaalaya QR-kood, uma baahnid inaad qorto lambarka Swish ee qofka aad lacagta u dirayso. Waxaad iskaan-garaynaysaa koodka adigoo isticmaalaya taleefankaaga, kadibna lambarka ayaa si toos ah u buuxsamaya. Riix ”Skanna” (iskaan-garayso) oo ku yaal bogga hore ee abka Swish si aad u bilowdo.
2Tallaabada 2 ee 4Markaad riixdo “Skanna” (iskaan-garayso) oo ku yaal bogga hore, waxaa furmaya iskaan-garayntaada. Waxaad u isticmaali doontaa taas si aad u iskaan-garayso QR-koodka. Taleefankaaga u jeedi dhinaca QR-koodka.
3Tallaabada 3 ee 4Markaad iskaan-garayso QR-koodka, lambarka taleefanka ama lambarka Swish ee qofka qaadanaya lacagta ayaa si toos ah u buuxsamaya. Waxa kaliya ee kuu hadhay waa inaad geliso lacagta aad rabto inaad ku dirto Swish, kadibna aad ansixiso lacag-bixinta sida caadiga ah adigoo isticmaalaya Mobilt BankID.
4Tallaabada 4 ee 4Lacagta waa la diray oo waa diyaar Adigoo isticmaalaya QR-kood, waxay ka dhigaysaa in Swish ay fududahay – uma baahnid inaad qorto lambarka. Gudaha abka Swish, waxa kale oo ku jira QR-koodkaaga gaarka ah. U tus qofka doonaya inuu ku siiyo lacag, si uu u iskaan-garayn karo oo uu u gelin karo lacagta.