Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.

Cusbooneysii warqadda dhakhtarka (recept) adigoo adeegsanaya xarunta caafimaadka
Farmashiyaha
Dhammaan telefoonnada
1Tallaabada 1 ee 5Fur Mina recept. Hubi haddii ay weli jiraan daawooyin kuu hadhay oo aad qaadan karto.
2Tallaabada 2 ee 5Marka aysan jirin daawooyin kuu hadhay, bixiyaha daryeelka caafimaadku waa inuu qiimeeyaa haddii warqadda daawada la cusboonaysiin karo. Dooro ”Kontakta vården”.
3Tallaabada 3 ee 5Akhri macluumaadka. Codsigu macnihiisu maaha in isla markiiba laguu qoray daawo cusub. Sii wad oo tag 1177.
4Tallaabada 4 ee 5Markaad joogto 1177, dooro goobta daryeelka ee qiimaynaysa codsigaaga.
5Tallaabada 5 ee 5Hubi magaca daawada iyo macluumaadkaaga ka hor inta aadan dirin codsiga. Haddii aad qabto xanuun degdeg ah, fadlan la xidhiidh daryeelka caafimaadka si toos ah.