Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.

Soo dejso, rakib oo isticmaal ChatGPT
Apps-ka waxtarka leh
Dhammaan telefoonnada
1Tallaabada 1 ee 5Waxaan baran doonaa sida loo soo dejiyo, loo rakibo loona isticmaalo ChatGPT.
2Tallaabada 2 ee 5Fur App Store ama Google play oo ka raadi ChatGPT. Hubi in abku uu ka yimid OpenAI. Taabo ”Hämta” (soo dejiso).
3Tallaabada 3 ee 5Marka abku furmo, waxaad arki doontaa shaashadda soo dhaweynta. Taabo ”Logga in” (gal akoonkaaga) haddii aad hore u lahayd akoon, ama ”Skapa konto” (sameyso akoon cusub) haddii aad cusub tahay.
4Tallaabada 4 ee 5Haddii aad samaynayso akoon, qor cinwaankaaga iimaylka oo taabo ”Fortsätt” (sii wad). Waxaad sidoo kale sii wadi kartaa adigoo isticmaalaya Google haddii aad halkaas ku leedahay akoon.
5Tallaabada 5 ee 5Hadda waxaad ku jirtaa ChatGPT. Ku qor su'aal sanduuqa hoose ku yaal oo taabo falaarta si aad u dirto. Shaqo fiican ayaad qabatay!