Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.

Eeg pensionkaaga iyo lacagta xigta ee laguu soo shubayo
Hawlgabka iyo hay'adaha dawladda
Dhammaan telefoonnada
1Tallaabada 1 ee 6Fur bogga internetka ee Pensionsmyndigheten. Riix "Logga in" (geli ama gal akoonkaaga) oo ku yaalla qaybta sare ee bogga.
2Tallaabada 2 ee 6Dooro Mobilt BankID. Kaliya gal akoonkaaga marka aad adigu si toos ah u gashay bogga internetka ee Pensionsmyndigheten.
3Tallaabada 3 ee 6Hubi in ay ku qoran tahay Pensionsmyndigheten gudaha BankID. Kadib riix "Identifiera" (aqoonsi) oo is-aqoonso sida aad caadiyan u samayso.
4Tallaabada 4 ee 6Marka ay furmaan "Mina sidor" (boggaaga gaarka ah), waxaad arki doontaa dulmar guud. Riix "Se din pension" (eeg pensionkaaga) si aad u aragto lacagta pensionka iyo qaybaheeda kala duwan.
5Tallaabada 5 ee 6Halkan waxaad ku arki doontaa pensionkaaga guud iyo sida lacagta loo qaybiyay. Lacagaha ku qoran hage-han waa tusaale oo kaliya. Riix "Se kommande utbetalningar" (eeg lacagaha soo socda ee laguu soo shubayo) haddii aad rabto inaad sii waddo.
6Tallaabada 6 ee 6Halkan waxaad ku arki doontaa taariikhda xigta ee lacagta laguu soo shubayo, pensionka ka hor inta aan laga jarin canshuurta, canshuurta la qiyaasay, iyo lacagta dhabta ah ee laguu soo shubayo. Waxa kale oo aad hubin kartaa xisaabta bangiga ee diiwaangashan.