Daabac tilmaanta oo dhig telefoonkaaga agtiisa inta aad samaynayso tallaabooyinka.
Talo: ka saar calaamadda “Madaxyada iyo cagaha bogga” sanduuqa daabacaadda, si aadan u arkin ciwaanka hoose.

Hel qaado Min myndighetspost oo akhri waraaqaha ka imanaya hay'adaha dawladda
Hawlgabka iyo hay'adaha dawladda
Dhammaan telefoonnada
1Tallaabada 1 ee 7Fur minmyndighetspost.se oo taabo "Skaffa brevlåda" (hel sanduuq boosto).
2Tallaabada 2 ee 7Waxaad u baahan tahay aqoonsi elektaroonig ah oo Iswidhish ah (e-legitimation), cinwaanka iimaylka iyo lambarka taleefanka gacanta. Taabo "Fortsätt med e-legitimation" (sii wad adigoo isticmaalaya aqoonsiga elektaroonigga ah).
3Tallaabada 3 ee 7Dooro Mobilt BankID. Marka hore hubi inaad ku sugan tahay minmyndighetspost.se.
4Tallaabada 4 ee 7Hubi in ay ku qoran tahay Min myndighetspost gudaha BankID. Kadib taabo "Identifiera" (aqoonsi).
5Tallaabada 5 ee 7Geli cinwaanka iimaylka iyo lambarka taleefanka gacanta. Dooro haddii aad rabto inaad ogeysiis ku hesho iimayl iyo sms, aqbal shuruudaha, kadibna taabo "Skapa brevlåda" (samee sanduuq boosto).
6Tallaabada 6 ee 7Marka sanduuqa boostadu diyaar noqdo, waxaad arki doontaa sanduuqaaga fariimaha (inkorgen). Waraaqaha cusub waxay u calaamadsan yihiin kuwo aan la akhriyin. Taabo waraaqda aad rabto inaad akhrido.
7Tallaabada 7 ee 7Hubi cidda soo dirtay waraaqda oo akhri. Haddii ay jirto lifaaq (bilaga), waxaad taaban kartaa "Öppna bilaga" (fur lifaaqa). Wixii la xiriira arrimaha hay'adaha dawladda, waa inaad adigu tagtaa bogga internetka ee hay'addaas.